Mas’uuliyiinta hay’adda ABS ayaa sheegay in ay dadka aan weli buuxinnin formka tiro-koobka lasoo xiriiri doonaan toddobaadkan. Qofkii si ula-kac ah u diida inuu ka qaybqaato tiro-koobkuna wuxuu mutaysan karaa, bay yiraahdeen, ganaax dhan $364 maalin walba.